Rooble: ” Madaxweynaha Jubbaland Waan Kula Xisaabtami Doonaa Doorashada”

Published: July 10, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu madaxweyne Axmed Madoobe kula xisaabtami doono doorashada federaalka ee ka dhacaysa Jubbaland.

“Jubbaland waxay masuul ka tahay doorashada Kismaayo iyo Garbahaareey, waxaan masuuliyadda doorashada kala xisaabtamidoona madaxweyne Axmed. Waxaan u rajeynayaa inuu ilaaheey la garab la galo,”

RW Rooble

Raysal wasaare Rooble ayaa hadalkan yiri xili uu maanta soo gabagabaynayey safarkii uu ku joogay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka Jubbaland.

Intaasi kadib Raysalwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa u ambabaxay gobolka Gedi gaar ahaan magaalada Garbahaareey, wuxuuna sheegay in ujeedka safarkiisu uu qeyb ka yahay arrimaha hirgelinta doorashooyinka oo uu ku tegi dooni dhammaan magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *