Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo daahfuray Olole afar malyan oo geed loogu beeriyo Puntland

Published: July 11, 2021

Madaxweyne kuxigeenka ahna kusimaha madaxweynaha Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray olole balaaran oo in kabadan Afarmalyan oo geed looga beerayo gobolada kaladuwan ee Puntland waxaana ololahan iska kaashanaya wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland iyo qunsuliyada dawlada Ethiopia ee Puntland.

Xaflada lagu daahfurayo Olalahan oo ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qaybgalaymasuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, wasiiro ka socday wasaaradaha kaladuwan ee dawlada, ururada siyaasada ee kajira Puntland, ururada Dhalinyarada, Haweenka, hay’adaha bahwadaagta la ah wasaaradda, daneeyayaasha arimaha Deegaanka, khuburo iyo masuuliyiinta Qunsuliyada dawlada Ethiopia ee magaalada Garoowe.

Kusimaha wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo ka hadlay furitaankii xafladan ayaa sheegey in dhamaan daneeyayaasha arimaha Deegaanka iyo dawladaba looga baahanyahay in ay iskutaagaan sidii loogu diyaargaroobi lahaa afarta Malyan ee Geed ee dawlada Ethiopia ugu deeqday Puntland kaas oo looga baahanyahay dadka iyo maamulada kaladuwan ee heerka degmo inay qaataan masuuliyada beerida iyo xanaanaynta dhirtaas oo la rajaynayo inay waxwayn kabadasho muuqaalka guud ee Puntland.

Qunsulka dawlada Ethiopia ee Puntland Mr.Degnachew Yitbarek oo dhankiisa hadlay ayaa sheegey in geedahaan ay ugu deeqeen Puntland ay qayb ka tahay barnaamijyo lagu cagaarinayo guud ahaan afrika oo ay dawladiisu horboodayso waxaana uu sheegey in qaybtii ugu horaysay ee dhirtaan oo si isdabajoog ah hadba qayb loo keeni doono ay imaan doonto maalmaha soo socda isagoo codsaday in loo diyaargaroobo howshaas.

Madaxweyne kuxigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” oo si rasmi ah u daahfuray ololahan ayaa sheegey in dhir beeristani ay waxwayn ka badali doonto muuqaalka guud ee Puntland, sidooKale Madaxweyne kuxigeenku wuxuu sheegey in ay kufaraxsanyihiin hormarka iyo dadaalka ay samaysay wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada oo mudo kooban shaqooyin dhinacyo kaladuwan leh fulisay taasoo ay keentay in wasaaraddu ay kamid noqoto wasaaradaha ugu baaxada iyo waxqabadka badan Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. gawaran hadii la abhuuri la ha hal malyan oo timira iyo canjeel puntland ilaa ithopia ayee timir sii lahaad dhaqaale badan soo galinlahad