RW Rooble oo dib ugu laabtay Muqdisho

Published: July 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal afar cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee Jubaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu socdaal kale ku kala bixiyo magaalooyinka dowlad goboleedyada sida Galmudug ,Puntland iyo Hirshabeelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *