Xukun Maxkamadeed oo lagu riday Rag dhawaan duurjoog ku laayay Burtinle

Published: July 11, 2021

Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa Xukun ku riday rag dhawaan la sheegay in ay dileen inkabadan 30 duurjoog sagaaro ah xili ay ka ugaarsadeen deegaano kamid ah gobolka Nugaal.

Maxkamadda ayaa shan sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan min $1,500 ku xukuntay afar nin kuwaasoo eedeysanayaasha deegaanka Buurtinle ku dilay ugaarta.

Xukunkan lagu riday raggan ayaa noqonaya noocii ugu horeeyay ee Puntland ay ku riddo dadka caadeystay beegsiga duurjoogta waxaana xukunkan soo dhaweeyay Wasaaradda Deegaanka ,Beeraha iyo Isbadalka Cimilada iyo qeybaha Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *