Soomaaliya Oo Ka Hadashay Rabashadaha Ka Socda Koonfur Afrika

Published: July 13, 2021

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ee lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaas, sidoo kalena lagu boobay goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Dad Soomaali ah.

Hadal-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay aad uga walaacsan tahay rabshadaha burcad hubaysan ay ku dileen muwadiniin Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale, isla markaana ku boobeen goobahooda ganacsi.

Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday dowladda Koonfur Afrika inay dadaal ballaaran ku bixiso ka ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.

“Soomaaliya waxay ku faanaysaa xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jireen halgankii ka dhanka ahaa midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah”

Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya

Dibadbaxyaal taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ee la xiray, Jokob Zuma aya waxay weli Rabshado, Boob, dilal iyo dhac ka wadaan qeybo ka mid ah dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *