Beledweyne: Laamaha Amaanka oo gacanta ku dhigay haweeney dishay Seygeeda

Published: July 15, 2021

Ciidamada Amaanka gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay haweeney magaalada Beledweyne ku dishay seygeeda oo ahaa macalin dugsi Quraan.

Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Macalin Maxamed,waxaana la sheegay xaaskiisa in ay siisay cunto sumeysan taasoo keentay in uu u geeriyoodo.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafad lagu magacaabo Xaawo Taako oo ku taala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in Macalinka uu dhawaan guursaday gabadha sunta ugu dartay Raashinka ee sababtay in uu u geeriyoodo.

Dhacdadan ayaa walaac iyo argagax ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda ay ka dhacday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *