Soomaaliya Oo Qayb Ka Noqotay Shir Looga Hadlayo Gacanka Cadmeed

Published: July 15, 2021

Shir Saddex maalmood socday oo xubnaha dalalka IGAD ay si qoto dheer ugu faaqideen siddii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Amniga, kuwa dhaqaale iyo degaan ee iyaga khuseeya ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa lagu soo gebagabeeyay Bishoftu, Ethiopia.

Dal kasta oo IGAD ka tirsan waxaa matalayay wafdi ka kooban Saddex xubnood soomaaliya waxaa matalayay wafdi oo horkacayo Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ahaa aqoonyahanno Soomaali, Ethiopian, Sudanese iyo Kenyan ah oo ka socda xaruumo cilmi baariseed ee gobolka.

Shirka oo uu Guddoomiye ka ahaa Danjire reer Sudan ah, ayaa waxaa hagayay Ergeyga Badda Cas ee IGAD.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *