Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Soo Saaray Jadwalka Guud Ee Doorashada Labada Aqal

Published: July 16, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Shaaciyey Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal, waxaana War-saxaafadeed uu soos aaray guddiga lagu sheegay in looga hortagi doono wax waliba oo dib u dhigi kara Doorashada iyadoo raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya.

“Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya”

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer federaal

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *