Ciidamada Dowlada oo deegaano horleh kala wareegay Alshabab

Published: July 17, 2021

Ciidamada Gutada 15aad ee qeybta 21 aad iyo ciidamo ka tirsan Gor Gor ayaa howlgalo lagu ka dhan ah Al shabaab ka fulinayey deegaannada Miir dugul, Xersi fiin iyo  Bulacle.

Howlgalkaas ayaa waxaa hogaaminayay taliyaha Guutada 15 ee qeybta 21aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ahna taliyaha amniga Galmudug General Mascuud Maxmed Warsame.

Ciidamadan ayaa sheegay intii ay howlgalka wadeen ay ku guuleysteen inay bur buriyaan fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanadaasi waxayna ciidamadaan ka tirsan Qeybta 21aad fariisimo cusub ka sameysteen deegaanadii laga saaray kooxda Al Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *