Jubbaland oo magacowday Guddiga qaabilsan doorashada Xubnaha Aqalka Sare

Published: July 17, 2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya Jubbaland.

Xubnahan oo ka kooban sagaal Xildhibaan ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Guddoomiyaha Habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Shukri Weyrax Kaariye oo sheegay in Sagaalka xubnood ay labo ka mid ah yihiin gabdho, waxana ay ka shaqeyn doonaan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya Jubbaland.

Magacyada Xildhibaananda ayaa kala ah:-

  1. Xildhibaan Axmed                        Siraad              Gulicha
  2. Xildhibaan Bashiir                         Axmed            Cumar
  3. Xildhibaan Sheekh                        Maxamed        Cabdisalaan
  4. Xildhibaan Maxamed                    Cabdi               Naasir
  5. Xildhibaan Salaad                         Cumar             Magaanga
  6. Xildhibaan Cabdirisaaq                 Maxamed        Cali (Kalaay)
  7. Xildhibaan Foos                            Cali                 Cabdiraxmaan
  8. Xildhibaan Xuseen                        Xirsi                Axmed iyo
  9. Xildhibaan Sahra                           Ibraahinm        Dable

Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay dhacdo 25 ka illaa 28 ka bishan Luulyo, sida ku cadayd jadwalkii shalay ay shaaciyeen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *