Kulan looga hadlay adkeynta amniga gobalka Mudug

Published: July 17, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir guddoomiyey kulan lagu dar dargelinayay ciidanka booliska Isku-dhafkaa ee Gobolka Mudug.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaan Cabdiweli Indhaceel, Lataliye Sare Amniga iyo Siyaasadda ee UNOPS Ilhaan Cali Gassa, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, Taliyayaasha Saldhigyada Degmada Gaalkacyo Galmudug iyo Saraakiil.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa loo saaray guddi ka kooban shan qof, kuwaasi oo ka shaqeynaya sidii loo dar-dar galin lahaa howlaha amni xaqiijinta ee ay wadaan Ciidanka Booliska Isku-dhafka Gobolka Mudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *