Natiijadii Dib-u-heshiisiinta Garbaharey-Gedo / Jubbaland

Published: July 17, 2021

Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ee ka socday Dowlad-Gobaleedyada Soomaaliya ayaa soo gabo gabeeyay kulamadii Wadatashiga iyo dib u heshiisiinta Magaalada Garbahaarey.

Guddigan oo ah Wasiiro ka kala socda dowlad Goboleedyada ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada ee Garbahaarey, isla markaana kala hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka jira, una sameeyay dib u heshiisiin.

Kulamadaan oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxa lagu gaaray heshiis iyo is afgarad buuxa, iyada oo dadka deeganka ay si rasmi ah guddiga ugu wareejiyeen Liiska xubnaha laga soo magacaabi doono maamulka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, Jubbaland.

Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaarey, iyadoo la raacaayo heshiiskii Magaalada Muqdisho lagu saxiixay 27 May ee sanadkaan.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Galbeed Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Aadan Cismaan Xuseen.

Arrinta Gobolka Gedo ayaa kamid aheyd Qodobada uu khilaafka xoogan ka taagnaa qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana sigaar ah isugu haayay Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, iyadoona halkaas la geeyay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *