Dowlada Afghanistan iyo Talibanka oo wadahadal uga furmay Qatar

Published: July 18, 2021

Sabtidii shalay ayey markale magaalada Doha ee dalka Qatar kulan isugu yimaadeen wafuuda ka kala socda Xukuumada Afghanistan iyo kooxda Talibanka, wadahadalkan oo ah isku-daygigii ugu danbeeyey ee la doonayo in heshiis lagu dhex dhigo labada dhinac.

Talibanka oo horey heshiis ulla galay Maraykanka oo ciidamadiisa kala baxaya wadankaasi ayaa bilihii lasoo dhaafay dardar geliyey weerarada ay ka geysanayaan gobaladaasi iyagoo sidoo kale gaaray guulo militari.

Xukuumada Afghanistan ayaa dooneysa inay Talibanka la gasho heshiis kahor inta aysan gebi ahaan dalkaasi ka baxay ciidamada shisheeye oo ay ku tiirsanaayeen dhinaca amniga.

Talibanka oo hada aaminsan inay heystaan fursad fiican ayaa ogolaaday inay wadahadal toos ah la galaan dowlada Afghanistan. Kooxdaasi ayaa tododobaadkii hore la wareegay gacan ku heynta qeybo kamid ah xaduudaha wadankaasi la leeyahay Pakistan iyo Turkmenistan.

Waxaa sidoo kale jira ciidamo badan oo kamid ahaa kuwa dowlada oo u galay dalka Turkmenistan si halkaadi magangelyo u weydiistaan, dadkii uu shaqeyn jiray safaaradaha dalalka reer Galbeedka iyo ciidamada NATO ee u dhashay dalkaasi Afghanistaan ayaa iyaguna wada inay isaga baxaan magaalooyinka laga cabsi qabo inay la wareegaan xoogaga Talibanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *