In ka badan 160 ku dhimatay fatahaada dalalka Yurub

Published: July 18, 2021

Germany, Belguim iyo Holland oo ay saameysay fatahaada wabiyada dalalkaasi Galbeedka Yurub ayaa weli la tacaalaya sidii loogu gurman lahaa dadka khasaaraha soo gaaray.

Khasaaraha ugu badan ayaa laga soo sheegayaa dalka Germany oo ay ku dhinteen 133 qof, magaalada Ahrweiler ee ismaamulka Rhineland-Palatinate ayaa goobta ugu khasaaraha badan dalkaasi Germany iyadoo ay magaaladaasi ku dhinteen ugu yaraan 90 ruux.

Marka laga yimaado galbeedka dalka Germany sidoo kale dalalka Holland, Belguim iyo Luxembourg ayey dad badan guryahooda uga baxeen fatahaadan biyaha wabiyada oo ah midii ugu darneyd ee soo marta wadamadaasi 60kii sano ee lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *