Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo kulan layeeshay Guddiga xalinta qilaafaadka arrimaha Gedo

Published: July 18, 2021

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Guddiga xalinta qilafaadka arrimaha Gobolka Gedo.

Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii cisho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolka.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa oga mahadceliyey Guddiga oo u dhabar adeegay shaqooyin adag oo ay maalmihii ugu dambeeyey ka hayeen magaalada Garbahaarey ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay ka go’antahay sidii dib u hishiisiin sax ah looga sameen lahaa Gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland oo bilowgii hirgalinta hanaanka dhisida Jubbaland lagu dhisay dib u hishiisiin.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddiga xalinta qilaafadka ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland kuwaas oo kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Guddigan ayaa inta ay ku suganyihiin Magaalada Kismaayo waxa ay la kulmi doonaan isimada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada kasoo jeedo Gobolka Gedo si ay u dhageeystaan fikiradooda iyo qaabka ugu haboon ee loo dhameeystiri karo arrinta dib u hishiisiinta Gedo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *