RW Rooble oo kulamo la yeeshay Safiirada ku sugan Muqdisho

Published: July 18, 2021

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka tirsan Beesha caalamka.

Xubnaha uu maanta qaabilay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa kamid ahaa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi.

Xubnahaan iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Soomaaliya ayaa haatan gashay jawi doorasho, waxaana maalmaha soo socda la guda geli doonaa doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida ku cad jadwalka doorashooyinka ee dhawaan ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ee FIET.

Beesha caalamka ayaa horey u balanqaaday inay bixin doonaan inta badan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka Soomaaliya ee dib u dhaca ku yimid.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *