Soomaaliya oo taageero dhaqaale weydiisatay Turkiga

Published: July 18, 2021

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamidyihiin dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda.

Wasiirka ayaa bartiisa Facebook ku daabacay qoraal ku saabsan kulanka uu la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga,.

Waxa aan maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz.

Waxa aan ka wadahadlanay dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, sidookale waxa aan uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee uu ka cayaarayo horumar Soomaaliya.

Turkigu waxa uu sii xoojinayaa xiriirka Saaxiibtimada Soomaaliya, Taageeradiisa Maaliyadeed iyo Horumarinta xirfadlayaasha dalkeena”. Ayuu yiri Wasiir Bayle

Dowladda Turkiga ayaa horey uga taageeri jiray Dowladda Soomaaliya dhisida ciidanka iyo Hormarka ganacsiga.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii tagay lasoo daristay dhaqaale xumo kadib markii hakad la geliyey dhaqaalihii dowlada ka heli jirtay Beesha Caalamka, arrintaasi oo la xariirtay xiisadihii siyaasadeed ee salka ku haya dib u dhaca ku yimid doorashada Golayaasha Federaalka iyo Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *