Puntland oo Taliye cusub u magacowday gobalka Sool

Published: July 19, 2021

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Wuxuu u magacaabay:-G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *