Senator Qeybdiid oo ugu baaqay shacabka Galmudug dagaal ka dhan ah Alshabaab – Dhageyso

Published: July 19, 2021

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug oo laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay ka qeyb qaataan hawlgalada ka socda koonfurta gobalka Mudug.

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo daraawiishta Galmudug ayaa gudaha u galay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab.

Senator Cabdi Qeybdiid oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in deegaanka ay ka bilaabeen wacyi gelin ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Kooxda Al Shabaab oo gacanta ku heysa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaq ka waday koonfurta Mudug iyagoona dagaalo rogaal celis ah ka geystay deegaanada hoostaga Bacaadweyne iyo Wisil.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *