Shirkadaha Israel oo lagu eedeeyey basaasida saxaafadda & siyaasiyiinta caalamka

Published: July 19, 2021

Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee u dhaq-dhaqaaqa Xaquuqul Insaanka oo caalamka daafihiisa ku kala sugan ayaa la sheegay in telefonadooda la basaasay iyadoo la adeegsanayo Software iyo Barnaamijo ay soo saareen shirkadaha laga leeyahay Israel.

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah.

Software-ka Pegasus  ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan ka iibisa dowlado kala duwan oo caalamka ah.

Baaritaankan lagu helay xogtan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Jaraa’idka ugu waaweyn caalamka oo ku jiraan Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo shirkadaha warbaahinta caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *