Diyaarad Kusoo Dhacday Garoonka Ceel-waaq Ee Gobolka Gedo

Published: July 21, 2021

Diyaarad nooceedu yahay 5Y-GRS oo kasoo duushay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa saaka ku dhacday garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, kadib markii ay lugaha u bixi waayeen.

Diyaaradan oo siday dad rakaab ah oo tiradoodu tahay 45 qof ayaa kusii jeeday degmada Elwak ee ismaamulka mandheera ee dalkaasi Kenya, taas oo 20-KM u jirta Ceel-waaq.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay shilkaan diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha ceel-waaq ee gobolka Gedo, kaasi hadda ah mid aan shaqayn oo u xiran arrimo siyaasadeed oo ka dhexeeya Jubbaland iyo dowlada federaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *