Guddoomiyaha Mudug oo ugu baaqay culimada inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Argagaxisada

Published: July 21, 2021

Guddoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo khudbad dheer kasoo jeediyey shalay salaadii ciida ayaa shacabka iyo culimada ku sugan Gaalkacyo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka gobalka Mudug looga suulinayo kooxaha argagaxisada.

Guddoomiyaha ayaa baaq u diray culimada diinta oo uu sheegay in la doonayo inay codkooda ku biiriyaan la dagaalanka dadka dhiiga muslimiinta daadinaya isagoona sheegay inay ka baxaan cabsida maadaama gacanta lagu dhigay kooxihii u hanjabi jiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *