Hogaamiyaha MALI oo ka badbaaday Iskuday dil

Published: July 21, 2021

Col.Assimi Goïta hogaamiyaha militariga maamula dalka Mali ayaa Salaasadii shalay ka badbaaday iskuday dil xili uu ku sugnaa Masaajidka caasimada Bamako oo lagu tukaday Salaadii ciida.

Nin iska soo dhigay Imaam oo ku hubeysnaa Toorey ayaa isku dayey inuu dilo Korneylka xili uu gaarigiisa sii korayey, balse kuma guuleysan, waxaana goobta lagala cararay Madaxweynaha oo hada ku sugan Saldhig ciidamada leeyihiin.

Col.Assimi ayaa xalay warbaahinta dowlada kasoo muuqday isagoo u sheegay shacabka Mali inuu ka badbaaday weerarkaasi, isla markaana baaritaan lagu wado weerarkii shalay ka dhacay masaajidka weyn ee magaalada Bamako.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *