Kenya: Wasaarada Maaliyadda oo baadi-goobeysa lacagtii Kenysa loosiiyey hawlgalada Soomaaliya

Published: July 21, 2021

Wasaarada Maaliyadda ee dalka Kenya ayaa sheegtay inaysan wax xog ah ka heyn lacagta Kenya ka hesho Midowga Afrika ee hawlgalada ka socda Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaarada Maaliyadda Kenya Julius Muia

Dhaqaalaha Midowga Afrika ku bixiyo ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa la sheegay inay toos ugu dhacdo Wasaaradda Difaaca ee Kenya.

Sida uu qabo sharciga dalkaasi waxay ahayd in Wasaarada Difaaca (Gaashaandhiga) ay lacagta ay ka helaan Hawlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ay kusoo wareejiyaan wasaarada Maaliyadda taasi oo aan dhicin, sida uu sheegay Agaasimaha Maaliyadda Julius Muia oo warbixintiisa u gudbiyey Baarlamaanka Kenya.

Midowga Yurub (EU) ayaa bixiya lacagta ugu badan ee hawlgalada AMISOM, dhaqaalahaasi oo lasoo marsiiyo Midowga Afrika ayaa waxaa loo gudbiyaa dalalka ay ciidamadooda ka hawlgalaan dalka Soomaaliya.

Askari walba oo ka shaqeeya AMISOM ayaa hela lacag ka badan 1kun dollar, dowlada Kenya ayaa ka jarata 200 dollar askari walba, waxayna askartooda qaataan 800, lacagta laga jaro askartaasi oo ahayd inay ku dhacdo Khasnada dowlada Kenya ayaa la sheegay inaysan soo dhaafin Wasaaradda Difaaca ee Kenya, sida ay ku dooday Wasaarada Maaliyadda ee Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *