Maraykanka oo duqeyn ka geystay Galmudug

Published: July 21, 2021

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa markii ugu horeysay duqeyn ka geystay dalka Soomaaliya gaar ahaan Galmudug, tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden.

Duqeyntan diyaaradaha Drone-ka shalay ka geysteen koonfurta Gobalka Mudug ayaa ahaa mid gacan lagu siinayey ciidamada Komandooska Danab oo ay Maraykanka tababareen, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda deegaankaasi.

Wax faah faahin ah lagama bixin khasaaraha duqeynta, waxaana shalay kooxda Al Shabaab lagala wareegay deegaano horleh oo ay kamid tahay Qod-Qod.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa markii uu xilka qabtay hakad geliyey hawlgaladii duqeynta ee Maraykanka ka fulin jiray Soomaaliya, Madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Trump ayaa fududeeyey duqeynta una fasaxay ciidamadooda in ay geysan karaan duqeynta xiligii ay doonaan.

Militariga Maraykanka ayaa marka laga yimaado hawlgalada ka socda Afghanistan, Siiriya iyo Ciraaq, waxay hada ku khasban yihiin inay fasax toos ah ka helaan Aqalka Cad hadii ay wax duqeyn ah ka geysanayaan goobo kale oo ka baxsan sadexdaas wadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *