USA: Maalqabeen u ololeyn jiray Imaaraatiga oo maxkamada lasoo taagayo

Published: July 21, 2021

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Maalqabeenka u dhashay dalkaasi oo lagu magacaabo Tom Barrack kana mid ahaa saaxiibada Madaxweynihii hore Trump, ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu si qarsoodi ah ugu ololeyn jiray dowlada Imaaraatiga Carabta.

Tom Barrack oo ah 74 sano jir ah bilyaneer kana mid ahaa xubnihii sida weyn ugu dhawaa Donald Trump ololihiisii doorashada, ayaa la sheegay inuu xiriir toos ah lalaha Dowlada Imaaraatiga oo danahooda uga ololeyn jiray Washington.

Sida uu qabo sharciga Maraykanka dadka u ololeeya danaha dowladaha Shisheeye ayaa laga doonayaa inay iska diiwaangeliyaan Wasaarada Caadalada ee wadankaas, arrintaasi oo uusan sameyn Mr.Barrack.

Horey ayey xeer illaalinta Maraykanka xabsiga u dhigtay Lataliyihii hore ee Amniga ee Donald Trump kaasi oo lagu eedeeyey inuu isagana lacag ka qaadan jiray dowlada Turkiga si uu ugu ololeeyo dowladaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *