Dad shacab ah oo lagu xasuuqay Jamhuuriyada Bartamaha Afrika

Published: July 23, 2021

Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 13 qof oo shacab ah lagu xasuuqay magaalada Bongboto ee waqooyiga dalkaasi.

Xukuumada dalkaasi ayaa falkan ku eedaysay maleeshiyaadka isbaheysiga mucaaridka dalkaasi ee loo yaqaan Wadaniyiinta Isbedal-doonka (Patriots for Change) kuwaasi oo la aasaasay sanadkii tagay ee 2020 si xilka looga tuuro Madaxweynaha dalkaasi Faustin Archange Touadera.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *