FRANCE: Macron oo telefoonkiisa bedalay kadib weerarkii shirkadaha Israel

Published: July 23, 2021

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gebi ahaan bedalay telefoonkii uu isticmaali jiray kadib markii la xaqiijiyey in uu telefonkiisa kamid ahaa in ka badan 50-kun oo telefono caalamka ah oo lagu jabsaday barnaamijka wax lagu basaaso ee [Pegasus spyware] oo ay soo saartay Israel.

Madaxtooyada France ee Élysée Palace ayaa arrintan xaqiijisay iyagoo sheegay in sare loo qaaday illaalinta isgaarsiinta xasaasiga ah ee Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa.

Macron ayaa khamiistii shalay kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshay hay’adaha amaanka, shirkaasi oo looga hadlay tilaabadii ay Faransiiska qaadi lahaayeen si loo hortago weerarada noocaan ah.

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan dalal kala duwan.

Software-ka Pegasus  ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan caalamka u iib-geysa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *