RW Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal

Published: July 23, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, xili la filayo in markale dib u dhac ku yimaado jadwalka horey loo dajiyey ee qabashada doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Rooble ayaa kula dardaarmay guddiga in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa Guddiga ku bogaadiyey hannaanka ay hadda wax u wadaan ee ku saabsan doorashooyinka, waxayse weli dood ka taagan tahay arrimaha la xariira guddiga Somaliland iyo amniga goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan gaar ahaan Gedo iyo Hiiraan oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Hirshabelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *