Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Published: July 24, 2021

Wafti uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday ayaa waxa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha la socda ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland, iyagoona ka wada hadli doona qabsoomida doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *