Madaxweyne Guudlaawe Oo Kulan La Yeeshay Maamulka Gobolka Sh/Dhexe

Published: July 24, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo weli ku sugan degmada Cadale ayaa Maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo arrimo ku aadan amniga, waxaana kulanka ka qeyb galay Maamulka degmada Cadale.

Guddoomiyaha Gobolka Axmed Meyre Makaraan ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe uga warbixiyay horumarada ka socda deegaanada Dhexe iyo adeegyada ay u baahan yihiin bulshada in wax la qabto.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Maamulka degmada Cadale ka dhageystay Warbixino la xiriira baahiyaha ka jira degmada ee u baahan wax la qabto, waxaana la sheegay in Guudlaawe uu balan qaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha Caafimaadka iyo Waxbarshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *