Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeeray Ilhaan Cumar

Published: July 24, 2021

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu jawaabay Ihaan Cumar, oo gobolka Minnesota ku matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka kadib markii maamulka Biden ka dalbatay inuu magdhow ka bixiyo duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo ka jawaabaya hadalka Ilhaan Cumar ayaa sheegay in xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda uu u furan yahay, balse haboon tahay in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno” ayuu yiri; Wasiir Fiqi.

…Wasiirka ayaa intaas sii raaciyey”Miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin, Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay. Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday” ayaa yiri wasiir Fiqi.

Hadalhayntan ayaa kusoo beegmaysa xili talaadadii duqeymo diyaareed dowladda Mareykanku ka fulisay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *