Guddiga Qabashada Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Koonfur Galbeed Oo Lagu Dhawaaqay

Published: July 25, 2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi ayaa magacaabay Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka ee Koonfur Galbeed.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cali Saciid ayaa lagu magacaabay xubnaha Guddiga Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 11-xubnood, kuwaasi oo dhammaantood ah Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona qabashada doorashada Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka ee Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale Guddiga ay la kulmi doonaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *