Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay

Published: July 26, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntlnd Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka mid ah golaha wasiirada, madaxa xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso arrimaha doorashooyinka oo la filayo in dhowaan bilowdaan.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Anita Kiki Gbeho ayaa ka wada arrinsaday taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan Mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *