Ramla Cali Oo Matalaysay Soomaaliya Ayaa Looga Guulaystay Tartanka Olombikada Japan

Published: July 26, 2021

Feeryahanada Soomaaliyeed ee Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka olombikada ee ka socda Japan ayaa kulankeedii ugu horeeyay maanta looga adkaaday kadib markii ay is wajaheen gabar kale oo ka socotay dalka Romania.

Ramla Cali  ayaa muujisay dadaal fiican qeybtii hore ee cayaarta, balse qeybtii dambe ayaa laga helay dhibcaha looga guulaystay, sida ay sheegtay Faadumo Nuur Cali oo ah gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee guddiga Olombikada Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay waan dadaalnay, gari labo nin kama wada qosliso. Waan dadaalnay, waana imaanay illaa iyo Tokyo. Tababar waan soo sameynay, juhdi badan waan soo galinay  waxaan la harnay ma jiraan. Ummadda Soomaaliyeed  waxaan leeyahay, meesha ayaan kasii wadaynaa cayaaraha,” ayay tiri Faadumo Nuur Nuur.”

Waa markii ugu horaysay oo gabadh Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadato tartanka dhinaca feerka ah, iyadoo matalaysa qaranka Soomaaliya

3da August, Cali Iidow Xasan ayaa isna Soomaaliya uga qeybgali galidoona tartanka orodada 1,500m (Kun iyo shanta boqol ee mitir) ee olombikada Japan 2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *