Guddiga Doorashooyinka oo warbixin siiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland

Published: July 27, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhagaystay guddiga duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay illaa hada shaqadu u socoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *