RW Rooble Oo Soo Dhoweeyey Shaacinta Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare Ee Jubaland

Published: July 27, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kusoo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

“Waxaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada. Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubbaland, halka guddiga doorashooyinkuna ku dhawaaqeen jadwalka doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *