Tunisa: Madaxweynaha oo xilka ka qaaday Wasiirka Difaaca

Published: July 27, 2021

Madaxweynaha Tunisia Kais Saied ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Difaaca, maalin kadib markii uu shaqada ka joojiyey Baarlamaanka, xilkana ka qaaday Raysalwasaarihii Xukuumada.

Madaxweynaha Tunisia ayaa Axadii lasoo dhaafay shaaciyey inuu shaqada la joojiyey Baarlamaanka muddo 30 maalmood ah, isla markaana xilka ka qaaday Raysalwasaare Hisham Mejiji.

Madaxweynaha ayaa go’aankan u cuskaday qodobka 80aad ee Dastuurka dalkaasi, walow Madaxweynaha uusan awood ullahayn inuu kala diro Baarlamaanka, hadana wuxuu sheegay inuusan dastuurka ka horimaaneyn inuu shaqada ka joojiyo.

Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha oo xiray xarunta Baarlamaanka ayaa u diiday inay Golaha ay ku shiraan xildhibaanada xisbiga Islaamiga ah ee Ennahdha oo ah xisbiga ugu weyn dalkaasi, kuwaasi oo tilaabada uu Madaxweynaha qaaday ku tilmaamay Inqilaab militari.

Isniintii shalay ayuu Madaxweynaha oo xilka la wada wareegay shaqada ka eryey Wasiiradii Difaaca iyo Cadaalada, isagoona u digay kooxaha kasoo horjeeda inay isku dayaan inay abuuraan xiisad ay uga horimaanayaan go’aanka uu qaatay.

Go’aanka Madaxweynaha Tunisia ayaa todobaadkan yimid kadib maalmihii lasoo dhaafay banaanbaxyo looga soo horjeedo xukuumada oo ka dhacay magaalooyinka dalkaais, shacabka oo dhaliilayey qaabka xukuumada ay u wajahaday cudurka covid19.

Raysalwasaaraha xilka laga qaaday Hisham Majiji ayaa sheegay inuu xilka ku wareejin doono ciduu soo magacaabo Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *