Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Oo Gaaray Kismaayo

Published: July 28, 2021

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle ee Kismaayo kusoo dhaweeyay guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Xubnahan Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Kismaayo.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *