Raysal Wasaare Rooble Oo La Kulmay Dhigiisa Boris Johnson

Published: July 29, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Raysal Wasaaraha UK, Boris Johnson.

Labada Raysal wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan ,arrimaha amniga Soomaaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka. Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna”ayuu yiri:- Raysal Wasaaare Rooble.

Kulanka ayaa waxaa Raysal Wasaare Rooble ku weheliyay wasiirada arimaha dibadda iyo Waxbarashada, kuwaas oo Raysal Wasaaraha kala qeyb galay shirka caalamiga ah waxbarshada ee London.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *