Wasaaradda Waxbarashada Puntland Oo Magac Cusub Loo Bixiyey

Published: July 29, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xiray Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Garoowe.

Shirkan horumarinta Waxbarshada ayaa magacii looga bedelay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland taas oo loo bixiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Caruurta Puntland.

Madaxweynaha oo saddexdii maalmood ee Shirku socday si joogta ah uga qeybgalay ayaa bogaadiyay shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha Waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladiisu ka go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso Waxbarashada, oo ah adeegyada Dowliga ah ee guuleystay oo Puntland ku amaanantahay. Wuxuu rajeeyay in waxyaabihii Shirka kasoo baxay ay waxbadan ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Waxbarashada Puntland.

Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, Lataliyeyaal iyo Khuburo Waxbarasho, Qurbojoogta, Ganacsatada, Waalidka, Ardeyda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *