Furitaanka tartanka kubada cagta kooxaha heerka koobaad ee Jubaland

Published: July 30, 2021

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daahfuray tartanka kubada cagta kooxaha heerka koobaad ee Jubaland.

Munaasabada furitaanka tartankan ayaa lagu furay kooxaha Kubada cagta ee Dekedaha iyo koban iyadoo Madaxweynahu uu kamid ahaa masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo ciyaartaas daawanayay.

Masuuliyiinta Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha, xiriirka kubada cagta Jubaland iyo xubno kasocday xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabadan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in sababta Argagixisadu ay maanta u beegsadeen Bas ay la socdeen ciyaartooyda kooxda JCCI ay ahayd in ay baajiyaan furitaanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland isla markana ay niyad jabiyaan hormarka xawliga ku socda ee Ciyaaraha Jubaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *