Madaxweynaha Jubbaland oo ka tacsiyeeyay weerarkii argagaxisada ku dishay Dhalinyaro ciyaartoy ah

Published: July 30, 2021

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii argagaxisada ku dileen dhalinyaro ka tirsan kooxda Kubada Cagta ee JCCI.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu yiri:

Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen labo kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.

Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *