Taliyaha AFRICOM oo booqday Saldhiga Danab ee Bali-doogle

Published: July 30, 2021

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa booqasho ku tagey xerada Ciidanka Kumandooska Danab ee Bali-doogle, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha ururka 4-aad ee guutada 16-aad Kumandooska Danab ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Saraakiil kale.

Socdaalka Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa la xiriirta u kuurgelidda hannaanka ay u shaqeeyaan ciidanka kumandooska Danab, lana xoojiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa bilowgii sanadkan hoos u dhigay hawlgaladii ciidamadooda ka sameyn jireen Soomaaliya oo lagu taakuleyn jiray ciidamada ay tababareen ee Danab, waxaana bishan Maraykanka dib u bilaabay taageeradii dhanka cirka ah ee uu siin jiray ciidamada Soomaaliya.

Macada in Dowlada Maraykanka ay dib ugu soo celin doonto ciidamadii ka joogay Soomaaliya gaar ahaan Bali-doogle iyadoo Taliska Militariga Maraykanka ay horey uga soo horjeedeen go’aankii uu qaatay Madaxweynihii xilka ka degay ee Trump ee ahayd in askarta Maraykanka laga saaro Soomaaliya, walow ciidamadiisa oo gaaraya boqolaal loo wareejiyey saldhigyada ay ku leeyihiin Jabuuti iyo Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *