Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil ka qalin-jabiyey TurkSom

Published: July 31, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil  iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga  Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *