Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo Saraakiisha Amniga kala hadlay goobaha doorashooyinka

Published: July 31, 2021

Guddiga Hirgellinta Doorashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Shir looga Hadlayey sugidda amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatay Saraakiisha Ciidamada Loo xilsaaray Amniga Doorashooyinka oo isugu jira Booliska Soomaaliya  iyo kuwa AMISOM.

Guddiga iyo saraakiisha ayaa iska xog wareeysatay sida ugu wanaagsan ee loo sugi karo Amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashada Aqalka sare, si loo xaqiijiyo Amniga Gobahaasi.

Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee u xilsaaran Qabashada Doorashada Aqalka Sare ayaa Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo.

Kulankaasi ayaa waxaa Shirka Shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka K.G.S, Mudane Yusuf Cabdulqadir Maxamed, Waxana Looga Hadlay Xoojinta Wadashaqeynta Guddiyada Doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *