Israel oo ku eedaysay Iran weerarkii lagu qaaday Markab marayey xeebta Cumaan

Published: July 31, 2021

Ugu yaraan 2 naakhuude ayaa ku dhintay weerarkii Khamiistii lagu qaaday Markabka MT Mercer Street oo marayey xeebta dalka Cumaan, markabkan ayaa u shaqeeya Ganacsade reer Israel ah.

Dowlada Israel ayaa Jimcihii shalay qoraal ay soo saartay ku eedaysay dowlada Iran inay fulisay weerarkaasi oo la rumeysan yahay in loo adeegsaday diyaaradaha loo yaqaan Drone.

Labada qof ee ku dhintay weerarkaasi ayaa kasoo kala jeeda dalalka UK iyo Romania.

Markabkan ayaa waxaa leh Maalqabeenka  Eyal Ofer oo heysata dhalashada Israel.

Iran iyo Israel ayaa bilihii lasoo dhaafay waday weeraro midba midka kale ku beegsanayo Maraakiibtooda marta Gacanka Carbeed dagaalkan hoose ayaa muddo dheer soo socday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *