Jubbaland oo faah faahin ka bixisay weerarkii Kismaayo

Published: July 31, 2021

Taliska Booliska dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ahaa mid lagu xiray gaari.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa lala beegsaday Gaari Bas oo ay saarnaayeen kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo, kuna sii jeeday Garoonka Waamo ee Magaaladaas.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa ay ku geeriyoodeen saddex kamid ah Cayaartoyda kooxda JCCI iyo darawalkii waday gaariga, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ka tirsan kooxda kubada Cagta ee JCCI.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska Jubbaland ayaa tilmaamay inay Jawaab Deg-deg ka bixin doonaan qaraxii lala beegsaday Ciyaartoyda, isla markaana falkaas dhacay ay baaritaano kala duwan ku wadaan laamaha amniga Jubbaland.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu falka dhacay Afhayeenka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-shabaab, wuxuuna shacabka kunool Kismaayo ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amniga liddka ku ah.

Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo ayaa xiligii la qarxinayay kusii jeeday,   Garoonka kubada Cagta ee Waamo Stadium oo shalay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ka daah-furay horyaalka heerka koowaad ee Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *