Madaxweyne Deni Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanadguurada 23aad Ee Puntland

Published: August 1, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay Xafladda sanad-guurada 23-aad ee Puntland.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo dibediisa.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed oo la dhisay 1998, 23 sano kadib dowladdnimada Puntland waxay hirgelisay maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *