Qoor-qoor Oo Laga Codsaday Magacaabista Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Published: August 1, 2021

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa waxaa ay Madaxweyne Qoorqoor uga codsadeen inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka laga soo dooranayo Maamulkaas.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtiga doorashada, sidaas darteedna ay ka codsanayaan Madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *